Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Welcome with open hands to dhambaalkii jeceylka

kooxda FC.Dhambaal maahmaahyo Xul jacayl Dhambaalkiijecyelka su'aalo ku saabsan jacaylka heeso soomaalliah oo qoraal ah wadnayaasha saldhiga jacaylka iyo salaamaha dadka is jecel sawiro ubaxyo ah Sheekooyin jacayl ah oo Dhadhan leh 2 Qalbi furan Gabayadii cumar c/nuur nuux sawiro jacaylkan la dooday falanqaynta arimaha jacyalka maqaalo jacayl ah Welcome To My Homepage U Fiirso Nolosha yaasiin axmed maxamed "yasin lucky"

Naf Jacayl Sawaabay!!!!

                                  WAA MAXAY NABSI?

wax la galo aduunyadan korkiisa waxaa ugu xun nabsi nabsiguna ma aha mid iska yimaada ee wuxuu ku yimaada sabab taas oo keenta in hadhaw uu ka soo if baxo qofkii nabsiga galay tusaale ahaan:
waxaa laga ayaabaa in laba lamaanee ay si xad dhaaf ah isu jecelaadaan noloshana isku aaminaan oo midkoodba wehel iyo walaal ka dhigto ka kale mudo markay noloshoodu sidaa ahaato iyaga oo ka soo gubbay turunturooyinkii iyo dhibaatooyinkii waa weynaa ee hor yaalay jacalkooda.
 marka qofku uu gelayo nabsi kuma darsado xisaabta niyadiisuna ma siisto in hadii uu khalad galay ku waarayo wuxuu is yidhaahdaa dib ma ugu baahan doontid laakiin taas hadii ay dhacayso nabsigu meesha ma yimaadeen, in badan waxaan aragnaa heeso badan oo fanaaniintu ku tilmaamayaa in uu nabsi soo daahri doonta tusaal ahaana waxaan u soo qaadan doonaa shay mire dacar markii uu lahaa
 ifkaa tobanka nooc ahoo
nabsibaa adeegee
waxaad nabad u hurudaba
nabar lama filaaniyo
naxdin deris ma noqoteen
nasiibkaa ma kulanteen
ana ma iska noolahay inantaay
 waxaa halkan ka cad in qofku marka uu nabsi galo gelaayo nolol aad u heer sareysa taas oo uu ku ilaawayo jacaylkii kalgacalkii iyo noloshii uu la soo qaatay lamaanhii uu markii hore jecelaa ee aduunyada ka doortay, muddo marka uu sidaas ku noolaado ee laydh iyo hawa been ah uu heehaabo meel sarena gaadho ayaa cuqubadii iyo nabsigii ku biiray soo baxayaa wuxuuna arkayaa hal mar isaga oo taagan gegi cidlo ah oo aan afarta koone cidi ka xigin "ala naxdin badanaa xageed u  carartaa" ayuu is weydiinayaa.
 dhanka kale qofkii uu nabsiga ka galay wuxu helayaa nabsi baxa qof uga wanaagsan ama  siduu uu u jecelaa si kadaran u jecelaan doonta wuxuuna gelayaa nolol degan oo alle ugu talo galay  kadib qofkii nabsiga galay wuxuu aadayaa cirkaa iyada  oo diif iyo dacdaro ka muuqato wuxuuna isku dayayaa in uu dib u xaliyo waxyaabihii dhacay waayo isaguba waa dareemayaa in nabsi jiro taana waxaan ku cadeyn karnaa marka uu nabsigu ka soo if baxo waxaa la horkeenayaa oo mar walba hor imaneysa waa qofkii uu jecelaa oo keliya wuxuuna dareemayaa in daawadiisu ay ka dhawdahay halkaas.
 hadaba akhrista walab oo akhirsta maqaalkan waxaan kala dardaarmayaa in uu ku dhaqaaqo talaabo noloshiisa hoos u dhigaysa una horseedaysa in uu nabsi xanbaarto waayo wax walba oo aduunka yaalaa waa ka fiirsasho waxaana loo baahan yahay in nabsi aan leglin sababta aan taa u leeyahayna waxaa laga yaabaa hadii uu adiga kaa soo bixi waayo in uu ubadkaaga ka soo baxao jacaylka oo keliyana nabsi ma lagu xanbaarto ee nabsigu waa noocyo badan yahay.
 yasin axmed maxamed "yasin lucky"
 
yasin99@live.co.uk
 

Noloshu waxay u hogaamisaa qofka binu aadanka ah wax u toosan waxayna ka qabataa waxa ku khaldan

Xuduudaha Jacaylka!!!!!!!

ilaahay markii uu binu aadanka abuuray qof walba wuxuu siiyey dareen uu dadka kale kaga duwan yahay ha ahaado,fulaynimo,geesi nimo,deeqsi nimo,raganimo,dulqaad, beer jileec, naxariis i.w.m.
 waxaa jira dad badan oo ilaahay kala duway aragti ahaan sabaabta oo ah jacaylku maaha wax qofku iska keeni karo ee waa dareen dabiici ah oo ku dhasha qalbigiisa kaas oo u horseeda naxariis iyo degenaan noloshiisii horena bedela.

   waxaa badanaa qofku marka jacaylku hayo is weydiiyaa ma hanan doontaa oo ma heli doontaa qofka aad dunida ka jecelaatay laakiin xisaabta kuma darsado ma mari doontaa dhibaatada iyo imtixaanka jacaylku uu leeyahay, runtii waa yartay dadka taas xisaabta ku darsadaa.
     afka waa laga odhan karaa waan ku jecelahay iyo kelmado la mid ah laakiin laakiin xaqiiqada marka la gaadho waxaa fashilmaya dad aad u badan niyadooda waxa ku jira aan war u hayn.
 sidaan filaayo qofka binu aadan ah waxa ka tanweyn ee maskaxdiisa daalinaya marka ay qabsadaan wuxuu ku sigtaa in uu waasho, maanta qof wax jecel hadii la yidhaahdo waxaa dhintay lamaanahaagii ma garan karo sida uu ku sugnaanayo iyo sida kale sidoo kale hadii la yidhaahdo qofkaad jeclayd baabuur ayaa jiidhay oo dhakhtarka ayuu yaalaa ma dab ayaa qabsaday oo wuu gubtay noloshaada welwel ayaa soo koray  taasi marka ay dhacdana waxaa fashilma dad aad u badan oo jacyalka si kale u aamin sanaa waayo qof wax jecel dhib walba oo ku soo korodha qofka uu jecel yahay ku nici maayo ee waa ku qaadanayaa ilawsiinayaana xanuunka iyo dhibta dhaawucu leeyahay ka kale se isla xiligaa ayuu qaadanayaa go'aan ah qof ka caynkaas ah miyaad nolosha la wadaagaysaa waa maya kadibna meel cidlo ah ayuu jacaylkiisa uga dhaqaaqaa isaga oo aan xisaabta ku darsan booskaa hadii aad taagantahay tani ma dhici lahayd.
 marnaba jacaylka runta ah been ma noqdo waayo qofka wax jecel wax walba wuu u sameyn karaa jacaylkiisa mana aha qofku in uu  lacag iyo qurux jecelaado ee waxaa  haboon in uu jecelaado qalbiga qofka.
 ala badanaa oo badanaa inta quruxi hoday oo hada ciil kaami ku nool una baahan in ay noloshooda dib u dhisaan "midna ogow nolosha iyo guurkuba waa marka hore hadii aad ka fiirsan weydana noloshaadu sidaa ayey ku dhamaaneysaa"
   ugu danbeyntii waxaan qof walba oo jacayl hayo ku dhiiri gelin lahaa qofka aad  jeceshay wax walba oo soo gaadha ha ku nicin hana kaga hor iman waayo qalbi iyo meel uu dego adiga ayaa u ah oo nolosha baray waxaanad ogaataa in jacaylku uu leeyahay xuduud taas oo u baahan xeerkeeda in lagu eekeeyo oo aan la dhaafin.
  Yaasiin Axmed Maxamed (Yasin Lucku.R)
 yasin99@lice.co.uk

dhib aduun Dhayal laguma Dhaafo

jacaylkuwaa  dareen ilaahay inagu abuuray waan wax aan lala yaabin yar iyo weyna ku dhici kara waxaa ilaahay umadiisa dhex dhigay jacayl aan dhamaaneyn sidaa darteed ma odhan karno waxaa jirta foolxumo maadaama oo uu qof ka aynu foolxumada ku tilmaamayno uu yahay qof kale dookhiisa ilaahayna waa inaga reebay in aynu isagu yeedhno naaneysaha xun xun.

 walaalayaaal waxaa jira ama aynu ognahay in aanu jacaylku qofka markuu ku dhacayo aanu la tashaan taasina maaha wax u baahan faahfaahin waayo sidaan filayo dadka dunidan ku nool ma jiro qof aan ahayn qaangaadh misana aan sameyn jacayl ama xidhiidh shukaansi .

maxaa hadaba is weydiin mudan?

waxaa isweydiin mudan in laga falanqoodo arimaha ay doodu ka taagan tahay ee ah kee been sheeg badan wiilasha iyo inamada waxaynu arintan inta badan soo noqonoqotay kaga hadli doonaa dooda falanqaynta khamiista soo socota hadii alle idmo  idinka oo nagala soo xidhiidhaya email dhambaalkiijeceylka@hotmail.com

 Q/ Yaasiin Axmed Maxamed

                       WWW.Dhambaalkiijeceylka.8m.com