Sheeko jacayl
DAREENKA JACAYLKA
Salmaan wuxuu ahaa wiil uu ilaahay u dhameeyey dulqaad, samir, iyo deganaan wuxuuna ku noolaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer.Q:Yaasiin Axmed Maxamed (Yasin Lucky.R)
QIIMAHA JACAYLKA QALAD LOOMA YEELO!
C/qani wuxuu ahaa wiil dhalin yaro ah oo la nool labadiisa waalid wuxuuna ku noolaa magaalada Laas-Caanood wuxuuna wax ka dhigan jiray dugsi in waxoogaa leeg u jira gurigooda, C/qani wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan gabadhii aragtaana aanay ka jeesan jirin, C/qani se marnaba ma hayan wiil waxaas oo hablo ah u jeeday waayo wuxuu aduun ka fiirsan jiray Hodan oo ahayd wadnihiisa iyo waaxyihiisa mar walba oo dhalin yaradu weydiiso halka ay hodan ku nooshahayna wuxuu ugu jawaabi jiray waxay imaneysaa maalin markaas waad arki doontaan.Iigu Dhaga nuglaayoo
Aan soo Dhaweeyee
Dhaawicii horeen qabey
Waxad tahey dhakhtaradii
Mudo iga dhayeeysoo
Waad i dhiiri galisee
Hadii aad dhaqaaqdood
Inaad Dhoofto jeceshahey
Gaadhigaa dhakhsanayee
Kusidaa ma Dheeliyo
Uma seexdo Dhinacyada
Ilaahey Dhantaalkiyo
Kuma tuso Dhibaatoo
Ayaan Dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo
Adaa dheeman iyo luul
Iyo dhagaxa dahabka ah
Qiimiga wax dheeroo
Adigaa dhir ubax
Iyo dhool aroor da'ay
Dhul xareedi wadhantahey
Uga dhigan nafteeydee
Haduu taarku soo dhacey
Dhawaan soo bax kugu yidhi
Dharaar qudha aduunyada
Hanti aad ku dhaqatiyo
Ha ka waayin Dharagoo
Ilaahey dhantaalkiyo
Kuma tuso dhibaatoo
Ayaan dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo.
Labadaba ogoow
Waa la aaminnaa
Indhahaygu daymada
Siday kuu eeggayeen
Iyeey ilmadu raggax
Ay ka tiri raggax
Afar iyo tobnaad
Dayax oogta hore
Qorax kala ordeen
Ileyska iyo nuur
Ayaad ii tahee
Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen
SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!
Aqoon iyo afgarad
labada oggoow
Waa la irkaddaa
Aqligaygu garashada
Siduu kuu aawilaayaad
Illeys baxay u tahay, u tahay
Onkod iyo hillaac
Saxansaxo udgood
Ilcas iyo xarreed
Eegmada ku wacan
Ayaad ii tahee
Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen
SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!
Baa ugu wacan wax nololoo
Nabad lala wadaagoo
Nimco lagula waaree
Ma nugliye kalgacalbaa
Naar iyo ka daran olol
Markuu nugeyga kaa galo
Nabar weeye halisee
Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo
Anna haddii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo
Nacab iyo Sokeeyaba
Neefteeydu diidoo
Ma nastoo jacaylbaa
Nadi ila haleelee
Igu noqey mid halisoon
Kaba nuuxsan waayoo
Naaftoo qalbigii buu
Nudub iga sameeystee
Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo
Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo
Neecoow da'aysoo
Onkodna nawda ku hayaa
Igu heshey Nugaaloo
Kaligey ku noolee
Adna keymo baadliyo
Dhul naruuro joogtaa
Naxdin li' ku hurudaa
Nabsi dhoowri mayside
Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo
Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo
Qays Iyo layala
Laya aiyo Qays, waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India,hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen ?sheekadoodu siday se u dhacday ?
Nin la odhan jiray madjnun(ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla ,Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayaa Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo,
Qays arrintaasi waa u cuntamiweyday wuxuuna ku adkeystay in layla la siiyo,
halka Layla aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan qaaday,Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku hunguubay,
Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago.
Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay balse qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa raacay Layla.
Qays wuxu u tiriyey Layal gabay badan oo uu mar ku amaanaayo,marna ku calaacalaayo,marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo deristay.
gabayada Qays uu u tiriyey Layal waxay qayb ka noqdeen suugaanta Beershiya iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo.
Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layal mawduuca qudha oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka.
Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layal,qiimaha ay doonto ha ugu kacdee,waxaa la sheegaa in nin la yidhaa Ebne-e salam u weydiistay Layal aabeheed inuu siiyo laakin Layal aabeheed wuxuu ninkaa u sheegay in innantiisu weli yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu soo korto,
Qays wuxu galay nolo adag oo silic leh,sheekadii Qays waxay gaadhay nin la odhan jiray Nezamis's oo ahaa nin deeqsio ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Beershiya ee hada loo yaqaan Iiran,ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii u kala quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in Boqorkaa ay ka gaadhay in uu weerar ku qaado Layal reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono.
Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layal qabiilkoodii hadana Aaabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layal siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Layla,wuxuuna odhan jiray dabeylkasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii innanteyda,isago sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranyo inuu dilo oo qudha ka jaro Layal.
Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layal aabeheed ku qanciyo in uu isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layal iyo qays, ninkii Layla loogu balan qaaday ayaa doonay inuu ka faa,iideyso jaaniskaa isagoo u yimid Layala aabaheed mar labaad ,balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo siiyey........wuxuuna Layal u kaxaystay gurigiisii,Qays markii uu maqlay in Layla nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay.
Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa ,uuna u jeclaa si aada. Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii hore ..........balse nin qoyani biyo iskama dhowro.....isaga ayaaba tisii la il daran,wuxuuna Aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii buuxshay habardugaagii uu la noolaa.
inkastoo Layal la guursaday hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii siyaaday jaceylkii ay
Qays u haysay......Layal waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn.
mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii,Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay kulmaan.......Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga Layla ka saari karin Qays. balse
Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday waana dhintay....................................
sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin...Layal iyada uma dulqaadan karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay xanuunsatay waanay dhimamatay............
War xumi dugsi ma fadhiistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna bookhday xabaasheedii,halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka daba tegay Layal oo isna waa dhintay.............
inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layal iyo Qays ay adagtahay in si dhaba loo helo waayo waxay dhacday qarni aad u fog hadana sidan ayaa ugu dhow sida maanta loo weriy
Q:yaasiin Axmed Maxamed ( yasin lucky)

