Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Sheeko jacayl

kooxda FC.Dhambaal maahmaahyo Xul jacayl Dhambaalkiijecyelka su'aalo ku saabsan jacaylka heeso soomaalliah oo qoraal ah wadnayaasha saldhiga jacaylka iyo salaamaha dadka is jecel sawiro ubaxyo ah Sheekooyin jacayl ah oo Dhadhan leh 2 Qalbi furan Gabayadii cumar c/nuur nuux sawiro jacaylkan la dooday falanqaynta arimaha jacyalka maqaalo jacayl ah Welcome To My Homepage U Fiirso Nolosha yaasiin axmed maxamed "yasin lucky"



                                     

                                                  DAREENKA JACAYLKA

Salmaan wuxuu ahaa wiil uu ilaahay u dhameeyey dulqaad, samir, iyo deganaan wuxuuna ku noolaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer.Salmaan hooyadii iyo Aabihii waxay dhinteen isaga oo aad u da’ yar, yaraantiisii wuxuu ku soo koray xerada agoomaha markii uu weynaadayan wuxuu ka shaqo bilaabay geerash si uu u dhacsado quutal daruurigiisa maalin nimo ugu danbeyntiina waxaa wakhtigu u saamaxay in uu kerish booy ka noqdo bas u kala baxa Burco iyo Hargeysa mararka qaarna ka shaqeeya magaalada Burco dhexdeeda.Salmaan wuxuu ahaa wiil aan marbana ka welwelin aduunka waayo wuxuu aaminsanaa in uu maalin uun helayo Nasiibkiisa            Maalin ayaa salmaan oo taagan istaanka basaska kuna qaylinaya hadalada lagu yaqaano dadka kiriish booyga ah oo leh “baabuurkan xaafada October ayuu u baxayaa yaan lagaa buuxin”. ayaa wuxuu indhaha ku dhuftay Saamiya oo ahayd gabadh uu ilaahay u dhameeyey qurux aadna u ilwaad roonayd oo qof walba oo arkaa jecelaanayo isla maalmahaana ka timi waddanka Canada. Xiligaas Saamiyi waxay la socotay gabadh ay ilmaadeer yihiin markii ay u soo dhawaatay Salmaan oo sita dhar uskaga badan wuxuu isku dayey in uu ku tuuro hadaladii Ina rag lagu yaqaanay wuxuuna ku yidhi …. Inaabti baabuurka yaan lagaa buuxin kuris martiyeedna waan kuu hayaa ee soo fuul adigaan ku sugaynaye! Saamiyi iyada oo aan u jawaabin ayaa waxaa hadlakii la booday gabdhii kale kuna tidhi sida aad u eegtahay ma is aragtaa waar naga baydh kirishbooy yahow iyada oo ula hadlaysay si yasniin ku jiro.  Ceeb ayaa soo gaadhay Salmaan wuxuu ku hadlana waa garan waayey, isaga oo aamusan ayaa waxaa hadashay Saamiya iyada oo ku hadashay hadal xikmadyesan oo ah sidan “looma baahna in aad sidaa u hadashid walaal waayo wax walba oo aduunka yaalaa xayeysiin kama soo hadhaan wiilkan shaqadiisa ayuunbuu xayeysiinayaa si baabuurku dhakhso ugu buuxsamo teeda kale shaqo cay ma laha waayo dad badan oo yurub joogaa waa ka liitaan wiilka shaqada ay qabtaan marka loo eego, qof dalkiisa hooyo ku shaqaysanayna wax ka fiican ma jiro” Saamiya iyo inantii ay ilaadeerka ahaayeen iyaga oo aan kelmad kale odhan ayey sii dhaafeen Salmaan aadeena meeshii ay doonayeen. Salmaan oo ahaa wiil aad u degan wuxuu ka fekeray sida khaldan ee uu hablaha ula hadlay iyo sida wanaagsan ee ay gabadhu u hadashay markii danbe,isaga oo isku buuqsan ayuu lahaa tallow inanta magaceed mase arki doon taa mar danbe? Salmaan wuxuu ahaa wiil saddexdiisa wakhti dhacsanayey wuxuuna bilaabay in uu lacagta dadka ka uruuriyo, waa yaabe jacaylku ma wax dadka ku soo boodaa ileen qofku marka u arko qof aanu hore u arag kana helo wuu khalkhalaa!!. Salmaan meel uu marayo iyo meel kale waa is garan waayey waxayna maskaxdiisii raacday gabadhii heer uu canaantay ninkii baabuurka ka dirawalka ahaa oo ku yidhi maxaa kugu dhacay ee aad rakaabka baabuurka saaran lacagta uga uruurin weyday waa maxay marba qofkan ku leh lacagta hoo iyo albaabka iga fur, waar shaqaysan meysid ee anigaad i waalaysaa.             Dhanka kale Saamiyi markii ay soo dhameystay hawlaheedii waxa ay ku soo laabatay gurigii Eedadeed Faadumo oo ay ku soo degtay lana joogtay laba maalmood, gelinkii danbana waxay wada sheekaysi dheer ka bilawday MSN-ka maadaama oo ay sidatay Lap-Top, Salmaanna wuxuu ahaa mid markii uu arkay ilaa intii qoraxdu dhacaysay ka fekeraayey iyada.            Habeenkii markii la gaadhay salmaan wuxuu soo qaatay bustihiisii xajiinta badnaa wuxuuna dhex galay baska si uu u seexdo halkii uu jiifsan jiray oo ahayd kursiga danbe markiisi uu dhabanka dhigay ayaa waxaa la hor keenay gabdhii uu arkay saaka iyada oo aad moodo biyo dahab, jacayl waa waran wadnaha gala oo olol ku beeree Salmaan iyo hurdo waa kala fogaadeen oo marba dhinac ayuu u laba ligdoonayey. Waxay arini sidaa ahaataba waxaa aroos yeeshay saamiya familigeed oo waxaa la aroostay inaa adeerteed   kadib waxaa  waxaa loo baahday in la aado dalxiis ah ilaa Shiikh  waxayna Saamiya inaadeerteed iyo  gabadh ay eedo u tahay  yimaadeen meelah lagu kireeyo Basaska  si ay u kiraystaan Bas waxay la hadleen  nin kamid ah nimanka basaska ka ah darawaliinta waxayn ku heshiin waayeen qiimihii wayna ka tageen oo waxay u tageen bas kale nasiib wanaag baska waxaa Kirish-booy ka ah Salmaan wuxuuna ahaa baabuurkii uu markii horeba la socday waxayn la hadleen darawalkii gaadhiga waxay isku afgarteen inuu u kaxeeyo dalxiis beri subax nimadka xiligaana ay lacagta siiyaan.Marka ay sidan heshiiska u gaadhayaan Salmaan      wuxuu ku maqnaa kaalin uu shiidaal uga doonay Bas-ka mana ogeyn waxa dhacay iyo waxa kale                     Waxaa baryey waagii waxaana baabuurkii oo taagan istaakii u yimi Samiya Eedadeed waxayna si degdeg ah u aadeen gugrigii ay Saamiyi joogtay oo ahaa halkii aroosku ka dhacay daqiiqado yar ka dib waxaa banaanka u soo baxay dad badan oo dalxiisayaashii ah Saamiyana ay la socoto, naf wax jeceli beer jelecsanaa Salmaan dhulka ayaa la wareegay markii uu arkay Saamiya ma dhabaa ma dhalanteedbaa ayuu ka bixi waayey.Isla markiiba waxaa dhaqaaqay baabuurkii intii jidka lagu sii jiray  Salmaan indhihiisu waxay ku maqnaayeen Saamiya.Dhawr jeer ayaa saamiya oo aan filayn indhaha ku dhufatay Salmaan oo eegaya weliba eegmo dareen gelinaysa qof walba oo wax garad ah balse mar keliya maskaxdeeda kumay soo dhicin wiilkan ayaa jacayl ku qaadi doona ama aad u qaadi doontaaWaxaa lasoo gaadhay meeshii dalxiis ku eekaa oo ahayd Shiikh iyada oo la koray buurta dusheeda si ciyaar jaas ah loogu soo ciyaaro sawirana lagu soo galo.    Markii goobtii la yimi ayaa waxaa dhinac u baxay dadkii arooska ka socday oo ay Saamiyi la socotay dirawalkii oo ahaa wiil dhalin yaro ahna waa raacay waxaase meesha lagaga tegay oo baabuurka hortiisa istaagay Salmaan.  Dadkii oo dhan jaas iyo ciyaar ayey bilaabeen iyadoo marba qof mekerifoonka loo dhiibayo oo uu heeso qaadayey,salmaana wuxuu ahaa mid indhah uun ka fiirsda isga oo weliba daymo ku dilay Saamiya. Markii ciyaarii in waxoogaa leeg la waday ayaa waxaa dhankiisa soo aaday Saamiya markii ay soo hor istaagtayna waxay ku tidhi “maxaa ku helay walaal maanta oo dhan aniga ayaad i eegaysay ee maxaa jira?” Salmaan wuxuu ku hadlo wuu garan waayey kedibna waa aamusay waxaana gacanta qabatay Samiya iyada oo ku leh ka gudub oo kaalay dadka la ciyaar soona dhex gal. Markii ay Saamiyi u sii waday dhankii dadku joogeen ayuu yidhi Salmaan maxaad iga ceebeenaysaa waad aragtaa in aana dadka sharafta leh soo dhex geli Karin, dharka aan sito bal eeg walaal Saamiyi iyada oo si waayo arag nimo ku dheehan tahay ula hadleysay ayaa waxay ku tidhi walaal dhib ma leh walaal waayo aduun mar lama wada helo.    Salmaan oo xishoonaya ayaa wuxuu soo dhex galay dadkii wuxuuna la ciyaaray Saamiya isaga oo aaminsanaa in dadka intiisa kale uuna qiimo la lahayn. Waxa layaab ku noqotay dadkii todoba baxa soo raacay iyo dadkii qoyska arooska ahaa, kirsh boyga la ciyaaray gabadhoodii ka timi Canada iyadoo weliba Kun wiil raadinayaa baadi goobna ugu jiraan helida Saamiya.Markii xafladii dhamaatay waxaa meel gaar ah u isula baxay Salmaan iyo saamiya iyagoo isla dhig dhigay barasho cusub oo ay labadooduba ku falanqeenayeen taariikhoodee hore iyo noloshii mid walba uu soo maray ilaa yaraantiisii, ileen laba waliba maalin bay isbarataaye.  Sheekada dhex martay Salmaan iyo saamiya barasho ka dib waxay u dhacday sidan.Saamiya: walaal iyada oo ay noloshaadu sidaa dhib u soo martay ayaa misana aan lagaa dareemaynSalmaan: waa run in wax walba walaal ay si tartiib ah u dhamaadaan markaa waxaan ku qanacsanahay xoogeygaSaamiya: dhib ma leh walaal maalin waad ka bixi doontaa dhibta aad ku jirto waayo aduunyadani waa is bedel Salmaan waa runtaa laakiin waxaan la yaabsanahay sida daacad nimada ah ee aad iila sheekaysaneysid iyada oo dadka agtooda aana sharaf ka lahayn.Saamiya: sidaa ha odhan walaal waayo wax walba waa barasho dadka halkan joogana hada adiga aya iiga dhaw teeda kale qof wanaagsan sida lagu bartaa way fududahay sida lagu hantaa se way adagtahay. Kelmadaasi Salmaan waxay gelisay dareen wuxuuna ku jawaabay  Salmaan: sida adiga oo kale waayo qof wanaagsan ayaad tahay mana laga ayaabo in aan ku hanto Saamiya: maxaad sidaa u leedahay saw nin ma tihid wax waliba waa is fahan iyo kasbasho.Salmaan waa runtaa laakiin shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa!! Saamiya: dadku waa kala argti walaal ee taa xisaabta ku darso oo yaanay kaa hoos bixin. Markii ay kelmadan tidhi Salmaan waa farxay misan naxay waayo hadlakeeda marna wuxuu u arkay in ay dooneyso sheekadiisa marna wuxuu u rutjuntay in ay leedahay waad is moodsiisay ee ma kula sheekaysan karo oo waan kaa sareeyaa!! Salmaan oo aan wax jawaab ah afkiisa ka soo bixin ayaa waxaa u yeedhay dirawilkii gaadhiga wuxuuna ku yidhi waa in aad dhakhso i soo gaadhaa oo baabuurka mishiinkiisa eegtaa isaga oo doonayey in uu sheekada u socota ka qaso fursadna u diido.            Markii laga soo laabtay todoba bixii waxaa si toos ah loogu soo laabtay magaalada Burco waxaana Saamiya iyo dadkii la socdeyba lagu dejiyey gurigoodii Salmaana umay suurto gelin fursad uu kula hadlo Saamiya.            Habeen nimadkii markii la gaadhay waxaa labada dhinaca ee Samiya iyo Salmaanba wuxuu mid walba ka fekeraayey Kan kale iyada oo Saamiyi  ka fekeraysid hadii uu Salmaan guursado nolosha uu ku noolaanayo iyo jacaylka iyo daacad nimada ay ka heli lahayd.            Subixii markii qoraxdu soo baxday ee dadku wax walba arkeen ayaa Baskii dirawalkii baabuurku ka soo saaray geerashka wuxuuna u soo kaxeeyey dhanka istaankii looga bixi jiray magaalada Hargeysa si uu ugu rakaabsado saacado ka dibna waxaa u buuxsamay baabuurkii waxayna aadeen magaalada Hargeysa iyada oo Salmaana la socodo.            Dhanka kale dhawrkii maalmood ee ay ku maqnaayeen magaalada Hargeysa waxay Samiyi soo mari jirtay soona eegi jirtay istaanka basaska si ay ula kulanto Salmaan nasiib daro se mar walba way soo waayi jirtay ileen magaaladaba muu joogine.            Habeenkii danbe markii ay ka soo galeen magaalo madaxda Somali land Hargeysa ayaa waxay subaxnimadkii Baska soo dhigeen istaankii basaska si ay ugu rakaabsadaan xaafada Qasabka. Salmaan oo taagan baska dadkana u yeedhaya si rakaabku u buuxsamo ayaa waxaa dhanka danbe kaga timi oo dhabarka ka taabatay Saamiya markii uu dib u soo jeestayna wuxuu ku qaboobay halkii uu taagnaa waxaana iskaga dhex yaacay hadlakii isaga oo leh haa haa haa walaal waan ku salaamay ii waran ma fiican tahay iyo hadalo la mid ah Samiya iyaduna waxay ugu jawaabtay walaal waan wanaagsanahay qof xun ayaadse noqotay waayo waad i soo raadin weydya oo aniga ayaa dhawr maalmood halkan kaa soo raadiyey si aan kuula kulmo maanad joogin. Waa runtaa walaal waayo hargeysa ayaan ku maqneyn oo Basku u baxay ayuu Salmaan isaga oo kurbanaya ugu jawaab celiyey  Jacaylku waa wax jira dadkuna waa is jecelaan karaan fiqiir iyo taajir qof fool xun iyo qof qurux badan isla markiibana waxay saamiyi ku tidhi walaal waxaan jeclaan lahaa in aan su’aal ku weydiiyo hadii aanad xumaan iiga arkayn su’aashaas oo ah guur hada diyaar ma u tahay? Salmaan intuu yaabay ayuu yidhi walaal maxaan diyaar u noqdaa wax lacag ah oo aan ku guursado ma haysto qof I gacan qabatana ma lihi oo qadeyda ayaan dhacsadaa teeda kale hal qof ayaan jeclaaday ismana lihi waad ku guuleysaneysaa aroosideeda.Qofkaasi waa kuma ayey? Saamiyi weydiisay Waxaa Salmaan u soo baxday fursad uu ugu soo bandhigo jacaylkiisa wuuxuna yidhi qofta aan jeclaaday waa adiga mar walbana waan kaa fekeraa laakiin fili mayo in aan ku helayo  Saamiyi inta ay dhoola cadeysay ayey tidhi walaal qof walba kartidiisu waa mid uu ilaahay ku abuuray teeda kale qurux iyo lacag layskuma jeclaadee waxaa jacaylka sababaa waa binu aadan nimo iyo wanaag ma kula tahay sida aad ii jeceshahay in aan si la mid ah kuu jecelahay mase gashatay niyada in dhawr maalmood aan ku raadinaayey si aan jacaylkagya kuugu soo bandhigo adiga oo aan joogin.            Salmaan iyo Saamiyi intii ay isku miyir la’aayeen ee mid walba jacaylka dhankiisa ugu fatahmayey ayaa waxaa daaqada baska gacanta ka soo riday Tuug wuuxuna la baxay lacag gaadheysa 300 Kun oo shidhka ku jiray Salmaanna muu ahayn mid dhaaday ileen faleembo jacayl ayaa ku socoteye iyaga oo halkii wada taagan oo aad moodo in dhibic mahiigaan hayso sida ay isagu dheegageen ayaa waxaa soo ag istaagay  dirawalkii oo inta uu shidhka galay ka soo waayey lacagtii kadib wuxuu la hadlay labadoodiiba isaga oo leh waan idin salaamay salaan kadibna wuxuu ku yidhi Salmaan  lacagtii shidhka ku jiray meeday? Salmaan oo jacaylkii ku sii maqan yahay ayaa yidhi ma arag, maxaad qabaneysay hadii wax Baabuurka shidhkiisa ku jira aanad ilaalineyn iyo kelmado kale oo la mid ay ayuu yidhi dirawalkii isaga oo markii danbe aflagaado ula dhaqaaqay Salmaan kuna yidhi waa in aad lacagta bixisaa hadii kale jeelka ayaan ku dhigayaa Tuugyahaw, dib oo u danbeysana kiriish booy ugu noqon meysid Baabuurkan. Salmaan talo ayaa ku cadaatay wax uu sameeyana wuu garan waayey laakiin waxaa kurbadii iyo dhibtii oo dhan ka korqaaday gabadhii uu jecelaaday iyaduna sida dhabta ah u jecelaatay ee saamiya iyada oo bixisay lacagtii loo qabsaday kuna tidhi muddo badan waad samirtay Salmaan laakiin maanta wixii ka danbeysa noloshaadu si toos ah oo aan shaki ku jirin ayey isu bedelaysaa oo dhibaato danbe ma arkeysid, Samiyi  waxay gacanta qabsatay Salmaan una kaxaysa dhanka bari oo markaas uu gurigii Eedadeed ee ay deganeyd ka xigay markii ay gurigii u soo dhawaadeen iyaga  oo markii hore sheeko aad u dheer jidka ku soo dhex martay waxay Saamiyi ku tidhi halkan igu sug waxaan gelayaa oo dhakhso ka soo baxayaa gurigee. Salmaan wuxuu qadar miridho aan sidaa u sii badneyn istaagay guriga hortiisa waxaana isla markiiba soo baxday Samiya oo dhar aad u bilicsan ku soo lebisatay waxayna dhanka suuqa weyn ee magalada Burco isu raaceen Salmaan markii ay suuqii gudo galeena waxay Salmaan ku tidhi ma dareemi kartaa Salmaan  sida aan kuu jecelahay maanta waxaan doonayaa in suuqa dharka yaala mid walba oo kaa qanciya aad ka soo qaadatid  “yaab ayey ku noqotay salmaan”wuuxuuna yidhi Saamiya walaal maxaad sidaas oo dhan u sameenaysaa ? Saamiyi intay dhoola cadeysay oo dhabanka gacanta ka saartay ayey ku tidhi adiga dartaa ayaan walaal wax walba u sameenaya waayo waan ku jeclahay.            Salmaan iyo samiyi waxay ku jireen suuqa weyn ee magaalada Burco in muddo ha kadibna way ka sii tageen oo aadeen Huteel Barwaqo halkaas oo ay samiyi laba qol oo fadhi iyo jiif ah uga kireysay Salmaan kuna balamisay shaqaalah huteelka in ay cuntadiisa u diyaariyaan saddexda wakhti.Gelinkii danbe markii ay gaadhay Salmaan iyo samiyana oo sheeko macaan oo xiiso leh u socoto ayaa waxaa samiya ku soo dhacay telefoonka waxaana la soo hadlay hooyadeed oo ku tidhi gabadheydii waa in aad dhakhso soo baxdaa maadaama oo aan kuu baahnahay, Samiyi waxay ka faa’iideysatay wakhtigii waxayna hooyadeed ku tidhi hooyo waxaa halkan ila jooga wiil aan six ad dhaaf ah u daneenayo doonayana in aan guursado markaa hooyo side u aragtaa hadii aan telefoonka kuugu dhiibo,Dhib ma leh gabadheydiiyeey waayo dookhaaga iyo dareenkaaga marnaba kaama hor istaagayo hadan iigu dhiib aan salaame.            Markii ay Samiyi u dhiibtay Salmaan telefoonkii iyada oo ku tidhi waa hooyo ee la hadal waxaa ku yaraaday dhulka wuxuu yidhaahdan wuu garan waayey isaga oo kurbanaya ayuu yidhi waan ku salaamay hooyo waan kaa qaaday wiilkeygii ayey ugu jawaabtay ee ii waran,        Samiya hooyadeed waxay ahady qof waayo aragnio ku dheehantahay waxayna Salmaan ka wareystay noloshiisa isaguna si daacad ah ayuu ugu waramay, Samiya hooyadeed waxay ku tidhi “wiilkeygii qofka wanaagiisa ayaa la eegaa ee lama eego dan la aantiisa iyo kala duwanaanta nolosha waana kugu taageersanahay nolosha cusub ee idiin bilaabmeysay adiga iyo Samiya in muddo ah markii ay sheekaysteen salmaan iyo Samiya hooyadeed Xaawa wuxuu u dhiibay telfoonkii kuna yidhi samiya hooyo ayaa kula hadleysa ee la hadal. Markii Samiyi gashay qolkii hurdada si ay hooyadeed ula hadasho wuxuu Salmaan oo qolkii fadhiga joogay is weydiiyey madhabaa ma dhalanteedabaa noloshaada is bedeshay isaga oo leh kelmadahan ala nasiibku cajaayibsanaa noloshaydu dhakhso ayey ku bedelanatay.            In muddo ah markii ay samiyi la joogtay ayey ku laabtay gurigii eedadeed una sheegtay in ay ka timi wiil ay maalmo hore isa soo barteen berina uu guriga iman doono si ay reerka u barto. Subax nimadkii markii waagii beryey waxy samiyi soo aaday dhankii Huteelka kana soo kaxaysay Salmaan si ay reerkooda u soo barto markii ay gurigii soo galeena waxaa indha ku dhufatay eedadeed iyo inantii ay ilmaadeerka ahaayeen waxayna isla markiiba eedadeed qaylisay af labadii oo tidhi “bisinkee ma ninkii kirshboyga ahaa ayaa shaadh kuu soo xidhay oo aad eedo la sheekaystay” Salmaan waran ayaa la daf siiyey waxaase markiiba ka jawaabtay oo hadsahay Samiya iyada oo tidhi “waad khaldan tahay eedo hooyadayda i dhashay kama hadli karto jacaylkayga markaas wax aan danahaaga ahayn ha gelin” hadana waxaa eedo wanaagu ku jiraa in aad raali geliso Salmaan, samiyi waxay ku khasbatay eedadeed Faadumo in ay raali geliso Salmaan.            Xidhiidhka Salmaan iyo Samiyi wuxuu noqday sidii nin iyo xaaskiisa oo kale wayna kala maarmi waayeen mar qudha Salmaan waxaa soo baxday quruxdiisii wuxuuna magaalada Burco ku mari jiray baabuur ay Samiyi u iibisay wuxuuna noqday qof ka baxay noloshii hore kuna noolaaday nolol sare Salmaan wuxuu Saamiya ka dhigtay indhihiisa wuxuuna ka jecelaa wax walba oo dunida korkeeda yaala.                                          Muddo saddex bilood ah markii xiriirkooda jacayl sidaa ahaa ayaa maalintii danbe Samiyi u soo bandhigtay in ay is guursadaan noloshana wadaagaan Salmaanna waa uu ka aqbalay gacalisadiisa wax walba, wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer muddo markii ay wada noolaaayeena waxay Samiyi u sheegtay in ay uur leedahay dooneysana in ay ku laabato waddanka Canada si ay halkaa ugu wada noolaadaan inta noloshooda ka hadhsan iyada iyo ilmaha ay uurka ugu sido. Salmaan oo xaaskiisa aad u jecelaa Kama uu diidin go’aankaa ay u soo jeedisay wuxuuna ku yidhi wax walba oo aad aduunyadan jeceshahay waan kula jeclahay xitaa hadii aad naftayda u baahatid waa khasab in aan ku siiyaa oo aan kuu huraa!            Dad ku midoobay jacayl oo nolosha is dhaafsaday ayaa fahmi kara micnaha jacaylku leeyahay waayo waxaa dad badan ka indha la yihiin in jacaylku bedeli karo nolosha qofka taana waxaa daliil u ah qof aad noloshiisa fiqiir ku ogeyd oo taajir noqday ayaad arkaysaa taana waxa keenay qof uu si daacad ah u jeclaaday oo horu mar gaadhsiiyey,Salmaana waxaa u bilaabantay nolol ka sii fiican tii hore waayo wuxuu nasiib u yeeshay in markii xaaskiisu ku laabatay waddanka Canada  ay u ashtakootay iyada oo tidhi ninkayga oo jooga Somali-Land ayaan doonayaa in lay keeno si uu halkan igula noolaado maadaama oo aan uur leeyahay soona dhawdahay xiligii aan umuli lahaa. Maalin ayaa Salmaan oo u soo baxay dhanka suuqa watana Baabuurkiisii kana fekerayey xaaskiisa Saamiya oo ahayd qofta keliya ee u aduunyada ka fiirsanaayey wuxuu si lama filaan ah afka hor ee baabuurka ugu dhuftay baskii uu markii hore ka ahaa kerish boyga oo uu watay ninkii shaqada ka eryey.  Salmaan isla markiiba markii uu arkay in uu shil galay wuxuu istaajiyey baabuurkii waxaase si degdeg ah daaqada baabuurka u furay oo soo baxa ninkii dirawalka ahaa isaga oo ku hadlaayey ereyadan “waa laayaabe dadka lacagta leh ma baabuurta dadka ee bariiska lagu raadinayo ayey duqeenayan hadii ay baabuur meel ay kala geeyaan garan la’yihiin oo maalinba baabuur suuqa ugu so baxayaan”.            Salmaan oo qofkii arkaa aanu ka jeesan Karin cadaanta iyo quruxda iyo weliba lebiska u sii dheer ayaa ka soo degay baabuurkii wuxuuna ku jawaabay iga raali noqo khaladku waa dhacaa hadana hoo lacagtan $400 oo ku sameyso midna ogow aduunyadu way is bedeshaa waana hadhkaa labadiisa gelin qof binu aadan ahna lama xumeeyo oo weji xumo laba dhigto, runtii walaal heerkan adigaa i gaadhsiiyey $50 waa sameynta baabuurka $350 kalena waxaan kuu siiyey abaal marinSoomalidu waxay ku maahmaahdaa aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban Waa tii uu Abwaan Maxamuud “waraabe:” gabaygiisii baryo saatir ku lahaa “hadba kii sar dheer fuula waa u sacab garaacaan oo sawdkuu yidhaahdab horaa looga saxayaa” ee ninkii dirawalka aha wuxuu la yaabay nolosha sare ee uu ku nool yahay Salmaan iyo sida qofkii hore u yaqaanay aanu u garaneyn wuxuuna yidhi isga oo waayo arag nimo waa duun oo wax walba waa la arkayaa iga raali noqo Salmaan khaladkii aan kaa galay iskana kay cafi walaal, dhib ma leh ayuu ugu jawaabay Salmaan             Salmaan wuxuu noqday wiil ay dadka wax garadka ah oo dhan jeclaadaan qof walba ku cibro qaato nolosha soo martay iyo is bedelkiisa isaguna wuxuu noqday qof aan ilaawin noloshii hore una daryeela naxariisna u fidiya qof walba oo taag daran inta uu ka war hayo, sidoo kale Salmaan wuxuu gargaar u fidin jiray qof walba oo garab ugu soo baahda maal hadii ay tahay iyo xoog hadii ay tahayba  mana noqon qof markuu lacag yeeshay kibray oo dadka ka dhex baxa isla weynina gasho.Salamaan markii uu muddo ku noolaa dalkiisa hooyo wuxuu soo aaday Wadanka Kenya si uu uga sii aado halkii ay ku noolayd xaaskiisu oo ahayd waddanka Canada.Salmaan wuxuu nasiib u yeeshay in wax walba u haagaan oo uu aado waddanka Canada isaga oo halkaa kula noolaaday xaaskiisii uu nolosha oo dhan u hibeeyey ee Saamiya, wuxuuna noqday Nin aan marnaba ka ag dheeraan xaaskiisa halka dad badan oo is jecel kala fo’gaadaan oo qalbiyadoodu kala daboolmaan sidoo kale Saamiyi waxay iyaduna u jeclayd ninkeeda si aan la sheeki karin waxayna u dhashay dhawr carruur ah. Ugu danbeyntiina waxay noloshoodii iyo jacaylkoodii ku gaba gaboobay waddanka Canada isaga oo ka helay shaqo aad u wanaagsan.

Q:Yaasiin Axmed Maxamed (Yasin Lucky.R)

yasin99@live.co.uk

             QIIMAHA JACAYLKA QALAD LOOMA YEELO!

C/qani wuxuu ahaa wiil dhalin yaro ah oo la nool labadiisa waalid wuxuuna ku noolaa magaalada Laas-Caanood wuxuuna wax ka dhigan jiray dugsi in waxoogaa leeg u jira gurigooda, C/qani wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan gabadhii aragtaana aanay ka jeesan jirin, C/qani se marnaba ma hayan wiil waxaas oo hablo ah u jeeday waayo wuxuu aduun ka fiirsan jiray Hodan oo ahayd wadnihiisa iyo waaxyihiisa mar walba oo dhalin yaradu weydiiso halka ay hodan ku nooshahayna wuxuu ugu jawaabi jiray  waxay imaneysaa maalin markaas waad arki doontaan. Maalin ayaa C/qani oo fadhiya geed hoostii waxaa u yimi saaxiibkii Saalax kuna yidhi saaxiib maanta maxaad keligaa halkan la fadhidaa C/qani oo hadalkii uga jawaabaya ayaa ku yidhi saaxiib maanta waxaan xasuustay jacaylkii yaraanteydii ee ilaa hada aan kool koollinaayo waxaan xasuustay xiligii yaraantayada aniga iyo Hodan wuuxuna C/qani isla markiiba bilaabay in uu uga sheekeeyo saaxiibkii Saalax jacaylka baaxada weyn ee kala dhex maray isaga iyo Hodan isaga oo u dhigay sidan. “Waxaan ahaa wiil yar oo jacelaa in uu mar walba kubbad ciyaaro ama daawado maalin aniga oo ku degdegsan kubbada waxaa jidka igaga soo hor baxday Hodan oo aad moodo biyo dahab, wuxuu wejigeedu u dhalaalayey sidii cadceed markaas soo baxday markii ay indhahaygu qabteen waxay ila noqotay u qaadan waa iyo layaab waayo xiligaa waxaan aqaanay hablaha ku nool magaalada Laas Caanood badankooduna waxay ahaayeen kuwo i daneeya  oo i daba yaaci jiray, saalaxaw waxba yaana hadal kugu daaline aniga oo isku haya ma la hadashaa iyo ma iska deysaa ayaa waxay gabadhii igu tidhi walaal waxaan doonayaa in aad  ii tilmaamto Parevite-ka ……....... hadii aad awoodan aad i soo tustid isla markiiba hadal kama sugine waxaan ku idhi kaalay walaal aan ku soo tusee aniga oo doonyey in aan la sii hadlo inta aan jidka sii socono. Jacayl waa balaayee waxaa aniga iyo gabadhii na dhex martay sheeko yar oo gaaban iyada oo aan is weydaarsanay magacayadayadii. Barasho ka dib aniga iyo Hodan waxaan isu qaadanay jacayl xad dhaaf ah waxaana labadayaduba isu qaderin jirayn sidii laba qof oo nolosha wadaagay. Maalin ayaa waxaa dhacday in Hodan Aabeheed uu ogaado jacaylka aniga iyo inantiisa na dhex maray Kadiban wuxuuna si degdeg ah ugu diray debedaha maalintaas wixii ka danbeeyey waxaan waayey aragtidii gabadhii aan jeclaa noloshayduna waxay noqotay in aan ka fekero gabadhaas iyada oo aan meel ila joogin. C/qani wuxuu ugu danbeyntii saaxiibkii ugu soo gaba gabeeyey in uu maalin uun heli doono gabadha uu jeclaaday.            Saalax oo ahaa C/qani saaxiibkii wuxuu la yaabay sheekada dheer ee soo dhex martay isaga iyo Hodan wuuxuna ku yidhi “runtii walaal waxaan kuu rajeenayaa in aad jacaylkaaga heshid”            Sheekadii dhexdooda ahayd markii ay dhaamtay ayaa saalax ku yidhi wan sii Soconayaa oo waxaan aadayaa dhanka suuqa ee waa inoo mar kale.            Dhanka kale Hodan waxay nolosheedu ka anba qaaday wadanka South Africa waxayna wax barasho ka bilawday wadankaas iyad oo ilawday nolosheedii yaraanta ee ay la wadaagtay C/qani. Soomaalidu waxay ku maahmaahday laba bariday kala war la’ C/qani waxa uu jacayl xad dhaaf ah u hayey Hodan una diiday hablo badan oo u heelan doonayeyna in uu guursado.    Wakhtigu waa seef oo qof ma sugayee wuxuu is daba socodo oo C/qani jacaylku keli ku ahaadaba maalintii danbe ayaa waxaa telefoon uga soo dhacay waddanka South Afirca, nasiib wanaag wuxuu noqday C/qani adeerkuu wuxuuna u sheegay in uu yimaado magaalada Hargeysa si uu halkaas uga soo dhoofo oo uu u yimado waddanka South Africa si uu halkan wax barashadiisa uga sii wato.            C/qani markii uu dhuuxay hadalkii adeerkii wuxuu qaatay go’aan isaga oo go’aan ku gaadhay in uu aado Waddanka South Africa is uu wax barasho u bilaabo.            Wuxuu C/qani dhawr maalmood joogay magaalada Laas Caanood isaga oo saaxiibadii oo dhan u sheegay in uu halkaas aadi doono, habeen-nimadkii uu C/qani ka soo baxayey Las-Caanood  ayaa waxaa u timi Naciima oo ahayd gabadh si xad dhaaf ah u jeclayd laakiin aan u sheegan jirin jacaylkiisa waxayna salaam iyo sheeko kaftan leh dabadeed u dhiibtay warqad xidhan oo ay ku tidhi walaal  C/qani waxaan kaa codsanayaa in aad warqadan akhrisatid dhawr bilood ka dib,waxa ku qoran hadii aad ka heli weydayna waxaan kaa codsanayaa in aanad iga cadhoon. C/qani waxay ku noqtay layaab wuxuuna garan waayey wax uu ku hadlo ugu danbeyntiina wuxuu ka qabalay go’aanka a u soo jeedisay…            Wuxuu C/qani yimi magaalada hargeysa isaga oo halkaa uga sii kicitima aadeyna waddanka South Afirca. Markii uu halkaa tegay waxaa soo dhaweeyey adeerkii wuxuuna dejiyey gurigii uu u diyaariyey in uu dego kuna noolaado isaga oo hore ka galay jaamacadii loo diyaariyey, C/qani sidii noloshiisu ku ahayd magaalada Laas Caanood ayey ku noqotay waddanka South Africa-na wuxuuna gelinka danbe ka shaqo bilaabay dukaan ku yaala xaafada uu dagan yahay oo lagu iibin jiray macmacaanka sida chocolate iyo Buscutes i.w.m.            Hadii aan dib u jaleecno dhanka Naciima iyo jacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabto C/qani mar ay uga warantay gabadh saaxiibadeed ah oo Luul la odhan jiray kuna tidhi walaal waxaan jeclaa C/qani hadana wuxuu joogaa waddanka South Africa jacaylkaygana ilaa hada uma sheegin oo waxaan mar walba is lahaa waad ku guuleysanaysaa wuuna ku dareemi doonaa aniga oo meesha kasaaray in wax walbaa u baahan yihiin dhaqaajin jacaylkuna u baahan yahay in lays dareensiiyo, runtii walaal hada meel aan kala xiriiro ma lihi C/qani ayey Naciima iyada oo saaxiibadeed ka dooneysa talo hadal ugu gaba gabeysay.  Luul waxay saaxiibadeed ku tidhi walaal hadii uu C/qani halkan joogo ama ciwaan lagala xidhiidho aad hayso wax waan kaala qaban lahaa laakiin waxay hada noqoneysaa in aa sidii markii hore aad u sugeysay u sugto ilaa inta aad si toos ah u arkaysid jacaylkaagana ugu soo bandhigaysid.            C/qani halkii ayuu ka sii waday shaqadiisii iyo waxbarashadiisii isaga oo lacagaha uu helo aan ku ciyaari jirin ee meel wanaagsan dhigan jiray si uu wax ugu qabsado noloshiisa. Habeen ayaa C/qani waxaa wiilal ay saaxiibo ahaayeen oo ku noolaa wadanka South Africa u kaxeeyeen aroos markaasi wiil soo degay dhigtay markii arooskii la yimi ayaa waxaa C/qani ku mashquulay hees ka baxaysya CD-ga oo dadku dhegeeysanayeen kuna luuqeeyo Alfanaan Lafoole.Dumarkaba Aduunbaa
Iigu Dhaga nuglaayoo
Aan soo Dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
Waxad tahey dhakhtaradii
Mudo iga dhayeeysoo
Waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
Inaad Dhoofto jeceshahey
Gaadhigaa dhakhsanayee
Kusidaa ma Dheeliyo
Uma seexdo Dhinacyada

Ilaahey Dhantaalkiyo
Kuma tuso Dhibaatoo
Ayaan Dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
Iyo dhagaxa dahabka ah
Qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
Iyo dhool aroor da'ay
Dhul xareedi wadhantahey
Uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
Dhawaan soo bax kugu yidhi
Dharaar qudha aduunyada
Hanti aad ku dhaqatiyo
Ha ka waayin Dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
Kuma tuso dhibaatoo
Ayaan dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo.
C/qani waxa uu aad uga fekerayey sida uu fanaanku u amaanayey gabadha isga oo ku tilmaamayey dheeman, luul, dhagax, dahab ah iyo weliba sida wanaagsan ee uu ugu duceenayey isaga oo leh ilaahay ha kaa dhigo mid nasiib leh hoodan leh oo ayaan dhalad ah , isaga oo halkii fadhiya ayaa waxaa u yeedhay wiil ay saaxiib ahaayeen kuna yidhi kaalay walaal caawa waxaan ku barayaa dhalin yaro badan oo ay ka mid tahay gabadh in badan halkan joogtay yaraanteediina timi oo halkan inta ay wax barasho ka bilawday hadana shaqaysata. Wiilkii oo la odhan jiray xasan sidii uu u soo waday C/qani ayuu wuxuu hor keenay Hodan oo quruxda aad moodeysid qoftii uu fanaanku u heesayey,C/qani wuxuu markiiba galay dareen dheer wuxuuna sidii qof walaalan oo kale u eegay gabadhii, xasan ayaa la yaabay kuna yidhi maxaa ku helay walaal barasho wanaagsan gabadhan waxaa la yidhaahdaa Hodan, hodan walaal wiilkan waxaa la yidhaahdaa C/qani wuxuuna halkan joogay in muddo ah oo jaamacadna waa dhigtaa waana shaqaystaa.. Aduun subaxba waa cayn oo hore ayaa loo sheegay ee Hodan maba aha qoftii hore ee uu jeclaaday C/qani markii ay waddanka South Afirca timi waxay la qabsatay nolosha halkan waana ilawday wixii yaraanteedii iyo jacaylkii ay soo sameysayba, C/qanina waxya u baratay sidii qof cusub oo hada ay barashadoodu isugu horeyso C/qani se wuxuu dareemay in ay tahay Hodan ileen qof wax jecel ma anbadee wuxuuna go’aan ku gaadhay in uu marka xafladu dhamaato sii dhaweeyo si uu wax walba u ogaado.            Markii xafladii dhaamtay waxaa qof walba aaday gurigiisii dadka intii is garaneysayna waa is raaceen C/qani oo baabuur watay waxaa u suurto gashay in ay soo raacaan hodan iyo laba gabdhood oo kale wuxuuna markii uu labadii hablood ee kale gurigooda geeyey u suurto gashay fursad uu ku wareysto su’aalana ku weydiiyo hodan isaga oo sheekada uga bilaabay hodan walaal su’aal aan kuweydiiyee weligaa waddankaagii hooyo ma aragtay haa walaal ayey hodan la soo booday aniga oo yar ayaan ka imi  isla markiibana waxay Hodan gudo gashay in ay C/qani uga sheekayso nolosheeda iyo wiilka ay sida xad dhaafka ah u jeceshahay ee Shaakir iyada oo ku tidhi C/qani walaal waxaad tahay qofkii u horeeyey ee aan noloshayda si daacad ah uga sheekeeyey runtii waxaad tahay wiil walaalkay oo kale ah.  Markii ay kelmadaa tidhi waxaa C/qani ka soo gabax tidhi ilin xiligaana waxaa u baxaysay heesta ay ku luuqayso Deeqa Bilan.Orod iyo ayaan
Labadaba ogoow
Waa la aaminnaa

Indhahaygu daymada
Siday kuu eeggayeen
Iyeey ilmadu raggax
Ay ka tiri raggax

Afar iyo tobnaad
Dayax oogta hore
Qorax kala ordeen
Ileyska iyo nuur
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!

Aqoon iyo afgarad
labada oggoow
Waa la irkaddaa

Aqligaygu garashada
Siduu kuu aawilaayaad
Illeys baxay u tahay, u tahay

Onkod iyo hillaac
Saxansaxo udgood
Ilcas iyo xarreed
Eegmada ku wacan
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!
 Markii ay Hodan aragtay ilinta ka daadaneysa dhabanadiisa ayey ku tidhi walaal maxaa ku helay ee aad la ilmeysay ma sheekada is oo martay ayaad ka naxday. Maya ee walaal guul darada jacayl ee i garabsatay ayaan ka naxay runta hadii aan kuu sheegana anigu waxaan kuu jeclahay si xad dhaaf ah ilaa yaraanteydii ilaa hadana waan ku jeclaa dartaana waxaan u daayey hablo badan wuxuuna C/qani gudo galay in uu noloshii ilaa yaraantiisa uga sheekeenyo isaga oo xasuusiyey jacaylkii ay wadaageen Hodan se waxay si badheedh ah oo aan shaki ku jirin isaga indha tirtay C/qani kuna tidhi waad edeb darantahay waxaagu ma waan ku arkay oo ku caashaqay miyaa? goorma ayaad i jecelayd oo aan jacayl kula sameeyey waar waad indha adagtahay ee isdeji teeda kale meeshan maaha Laas -Caanood ee waa South Africa oo yurub waxba kama dhacdo hana isku dayin in aad mar danbe horteyda soo istaagto.C/qani wuxuu u qaadan waayey waxa dhacay iyo sida ay isu bedeshay nolosha Hodan wuuxuna isaga oo is ciil kaambinaya ku hadaaqay heesta ay ku luuqeyso Sahra Axmed ee….Naf ku jecel Aduunyada
Baa ugu  wacan wax nololoo
Nabad lala wadaagoo
Nimco lagula waaree

Ma nugliye kalgacalbaa
Naar iyo ka daran olol
Markuu nugeyga kaa galo
Nabar weeye halisee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna haddii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Nacab iyo Sokeeyaba
Neefteeydu diidoo
Ma nastoo jacaylbaa
Nadi ila haleelee

Igu noqey mid halisoon
Kaba nuuxsan waayoo
Naaftoo qalbigii buu
Nudub iga sameeystee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Neecoow da'aysoo
Onkodna nawda ku hayaa
Igu heshey Nugaaloo
Kaligey ku noolee

Adna keymo baadliyo
Dhul naruuro joogtaa
Naxdin li' ku hurudaa
Nabsi dhoowri mayside

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo
Hodan uma dheg taagin hadalada baroorta iyo calaacalka isagu jira ee C/qani waxayna si degdeg ah uga degtay baabuurkii iyada oo abaartay gurigeeda oo wax yar u jiray.C/qani isaga oo madaxu xanuunayo ayuu ku laabtay gurigii uu deganaa wuxuuna isaga oo fekeraya soo xasuustay habeenkii uu ka soo baxayey Laas-Caanood iyo sidii uu u faraxsanaa waxayna maskaxdiisii xasuusatay warqadii ay u dhiibtay Naciimi deg deg ayuu u abaaray qolkii hurdada isaga oo shondadiisii furay kalana soo baxay warqadii wuxuuna isla markiiba ku bilaabay akhris “waxaad iga gudoontaa walaal salaan aad iyo aad uqaali ah salaantaas oo qof muddo badan six ad dhaaf ah kuu jeclaa kuu soo diray kana timi unugyada jidhkiisa oo idil walaal  hadii aan kuu sheego waxaan ku jecelahay muddo afar sano gaadhaysa qalbigeyga waxa ku jirana waan kuu soo bandhigi kari waayey xishood gabdheed awgeed,waa laga yaabaa walaal maanta in aad haysatid qoftii sida xad dhaafka aad u jeclayd laakii ma ogtahay nafta ku jecel ee kuu dhimaneysa ayaa mar walba mudnaanta mudan,walaal anigu noloshaada waan la yaabay waayo boqol hablood oo ku daneeya ayaand misna dheg u taakin taasina waxay turjumaysaa in qoftii aad jeclayd aan weli laguu abuurin,C/qani hadii walaal aad jacaylkaaga ku guuleysatay taasi waa meesheeda waayo markii horeba qalbigaaga boos kuma lahayn hadii se aad aad tahay mid weli aan helin jacayl waxaan kaa codsanayaa in aad dareenkaaga ii soo jeedisid waayo waxaan ahay gabadh ilaa hada ku jecel kuna sugeysa.”         Markii uu C/qani warqadii dhameeyey waxaa indhihiisa isku soo taagtay ilin wuxuuna isagu ka ciishooday sababta uu warqada u furi waayey intaasoo dhan ee ay shondadiisa ugu jirtay, C/qani wuxuu bilaabay is barbar dhig Hodan iyo Naciima wuxuuna qalbigiisu siiyey in Naciimi tahay qoftii uu sida dhabta ah nolosha ula wadaagi lahaa isaga oo ka cabir qaatay gabadhii uu jeclaa sida ay ku ilawday iyo Naciima oo u sheegtay in ay afar sano jeclayd ilaa hadan jeceshahay sugaysana.         Dhanka kale C/qni danba Kama gelin hodan oo qof uu yaqaanaba Kama dhigin manuuna raadin oo kamuu daba dhicin. Maalin ayey C/qani iyo Hodan ku kulmeen shir ay lahaayeen dadka soomaaliyeed ee ku nool South Africa waxayna hodan isku dayday in ay la hadasho wuxuuse C/qani ugu jawaabay kelmadahan naxdinta leh.Ruuxii balan jara badaa karahdeeBerri baan ku jeclaaye kaa baxayQasil baan kaa cabay qadhaadh badanQalbigii ku jeclaana kaa qanac!         Hadii aan jeleecno dhankii Naciima waxay niyada ku haysay in uu C/qani maalin u soo laaban doono guursana doono oo jacyal wadaagi doonaan.          Muddo markii uu joogay C/qani wuxuu dhameeyey wax barashadii wuxuuna lacag aad u fiican ka sii helay shaqadiisii isaga oo isu xidhxidhay aroos waxaase qof walba aad moodeysay in korkiisa malab loogu daadiyey oo hablo badan oo ku noolaa wadanka South Africa gaar ahaan caasimada jo……. C/qanise marnaba ma ahayn mid u dhegtaaga ee waxaa hor taalay oo uu si toos ah uga fekeri jiray Naciima isaga oo mar walba akhrisan jiray warqadii ay u soo qortay kana dhigan jiray wehel.         Wuxuu ilaahay barakeeyo ayaa barako ku jirtaa ee shaqadii waa u sii wanaagsanaatay waxaana C/qani u suurto gashay in uu jago wanaagsan ka helo shirkada baabuurta yaryar u soo dejisa wadanka South Africa. Markii uu in muddo ah shaqeenayey C/qani ayaa la siiyey fasax 4 bilood ah oo uu ku aado dalkiisa iyada oo tigidhika tegitaanka iyo noqoshadaba ay ka soo bixiyeen shirkaadii uu markaa u shaqeenayey C/qani markii uu yimi waddankiisa hooyo wuxuu si degdeg ah u aaday magaaladiisii iyada oo ay sugayeen dad badan oo ay ka mid ahaayeen waalidiintiisu iyada oo Nimcana ay hamuun aad u ba’an iyo sugitaan dheer ay u haysya C/qani Naf wax jeceli beer jilicsanaa C/qani wuxuu u holaday dhankii gurigii Naciima markii uu u tegayna wuxuu isku duubay isga oo leh waan ku jeclahay Naciima mar walbana waxaan is lahaa oo niyada ku hayey ma helaysaa Naciima mase waa laga guursanayaa.C/qani wuuxu ku guuleystay jacyalkiisa iyo in uu hanto wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Laas-caanood iyada oo Naciimina ahayd mid si aad ah ugu faraxsaneyd mar walba sida wanaagsan ee illaahay u sulan siiyey jacaylkeeda daacada haa Ugu danbeyntii wuxuu C/qani u sii kaxaystay gacalisadiisii South Africa markii uu ku laabanaye.

  

                           Qays Iyo layala

Laya aiyo Qays, waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India,hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen ?sheekadoodu siday se u dhacday ?
Nin la odhan jiray madjnun(ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla ,Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayaa Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo,
Qays arrintaasi waa u cuntamiweyday wuxuuna ku adkeystay in layla la siiyo,
halka Layla aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan qaaday,Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku hunguubay,
Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago.
Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay balse qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa raacay Layla.
Qays wuxu u tiriyey Layal gabay badan oo uu mar ku amaanaayo,marna ku calaacalaayo,marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo deristay.
gabayada Qays uu u tiriyey Layal waxay qayb ka noqdeen suugaanta Beershiya iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo.
Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layal mawduuca qudha oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka.
Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layal,qiimaha ay doonto ha ugu kacdee,waxaa la sheegaa in nin la yidhaa Ebne-e salam u weydiistay Layal aabeheed inuu siiyo laakin Layal aabeheed wuxuu ninkaa u sheegay in innantiisu weli yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu soo korto,
Qays wuxu galay nolo adag oo silic leh,sheekadii Qays waxay gaadhay nin la odhan jiray Nezamis's oo ahaa nin deeqsio ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Beershiya ee hada loo yaqaan Iiran,ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii u kala quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in Boqorkaa ay ka gaadhay in uu weerar ku qaado Layal reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono.
Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layal qabiilkoodii hadana Aaabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layal siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Layla,wuxuuna odhan jiray dabeylkasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii innanteyda,isago sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranyo inuu dilo oo qudha ka jaro Layal.
Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layal aabeheed ku qanciyo in uu isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layal iyo qays, ninkii Layla loogu balan qaaday ayaa doonay inuu ka faa,iideyso jaaniskaa isagoo u yimid Layala aabaheed mar labaad ,balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo siiyey........wuxuuna Layal u kaxaystay gurigiisii,Qays markii uu maqlay in Layla nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay.
Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa ,uuna u jeclaa si aada. Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii hore ..........balse nin qoyani biyo iskama dhowro.....isaga ayaaba tisii la il daran,wuxuuna Aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii buuxshay habardugaagii uu la noolaa.
inkastoo Layal la guursaday hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii siyaaday jaceylkii ay

Qays u haysay......Layal waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn.
mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii,Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay kulmaan.......Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga Layla ka saari karin Qays. balse
Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday waana dhintay....................................
sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin...Layal iyada uma dulqaadan karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay xanuunsatay waanay dhimamatay............
War xumi dugsi ma fadhiistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna bookhday xabaasheedii,halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka daba tegay Layal oo isna waa dhintay.............
inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layal iyo Qays ay adagtahay in si dhaba loo helo waayo waxay dhacday qarni aad u fog hadana sidan ayaa ugu dhow sida maanta loo weriy

Q:yaasiin Axmed Maxamed ( yasin lucky)